Haweenay Wax Ka Dhigata Iran Oo Lagu Xukumay 12 Sano Oo Xadhiga & Sababta Keentay !
December 5, 2018 - Written by admin
Tehran(Berberatoday.com)-Dalka Iran ayaa waxa lagu tilmaamaa inuu yahay Dal siyaasadiisu ay tahay mid aad u xidhxidhan, arrintaasi ayaa waxay sababtaa in haldoorka amase cidda ka soo horjeedsata Nidaamka dalkaasi Xukuma isla markaana ka badheedha oo lagu fuliyo xukuno adag.
Hangana Saciidi waa haweenay Macalimad ah isla markaana wax ka dhigta mid ka mid ah jaamacadaha dalkaasi Iran, Hangama ayaa waxay cambaaraysay isla markaana ka soo hor jeedsatay Nidaamka Xukuma Dalkaasi Iran, mana aha markii u horreysay ee Hangama lagu soo eedeeyo arrin noocan oo kale ah, balse waxa jiray marar hore oo dhawr goor loo xidhay.