Dood Ka Dhalatay Aabbe Gabadhiisa Ku Qasbay Inay Lugayso 8 Kiilo-mitir Iyo Sababta Ku Kelliftay
December 7, 2018 - Written by Berbera Today
Ohio(Berberatoday.com)-Dood adag, ayaa ka dhalatay go’aan uu gabadh uu dhalay ku ganaaxay Aabbe ka soo jeeda gobolka Ohio ee dalka Mareykanka oo la yidhaahdo Matt Cox, kaasoo gabadhiisa ku qasbay inay Dugsigeeda waxbarasho u lugeyso masaafe dhan 8 kiiloo mitir, si uu ugu ciqaabo dhibaato ay Ardayda Baska iskuulku wada qaado kula kacday marar kala duwan.

Warbixintan oo lagu baahiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC oo aannu ka soo xigannay, ayaa sii socotay, waxaana lagu sheegay in ka dib markii gabadhiisa 10 sano jir ah oo lagu magacaabo Kirsten muddo saddex maalmood ah looga mamnuucay gaariga iskuulka sababo la xiriira dhibaato ay markii labaad u geysatay ardayda la raacda gaariga, ayuu aabeheed Matt Cox go’aan ku gaaray inuu siiyo cashir aysan illoobi doonin nolosheeda.