Madaxweyne Biixi Oo Ay Dadka Siyaasadda Xiiseeyaa Ka Sugayaan Isku Shaandhayn Sal Balaadhan + [ Tirada Wasiirada La Filaayo In Xilka Laga Qaado
December 8, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ilaa Sabtidii toddobaadkii hore oo uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka soo laabtay safar uu ku tagay gobalada bari ee dalka, waxa ay dadka siyaasadda xiiseeyaa sugayeen isku shaandhayn la sheegay in Madaxweynuhu ku samaynayo golihiisa xukuumadda.
Isku shaandhaynta oo ay dadka siyaasdda falanqeeyaa aaminsanyihiin inay u badnaan doonto ugu yaraan 5 wasiir oo xilka laga qaado iyo shan kale oo la magacaabo, ayay hadal haynteedi si waafi ah ugu jirtaa suuqyada siyaasadda.