Qorshaha Madaxweynayaasha Jabuuti Iyo Sudan Maanta U Tageen Addis Ababa Oo La Shaaciyey
December 8, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia gaadhay madaxweynayaasha dalalka Sudan iyo Jabuuti, kadib casuumad ay ka heleen ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Axmed Cali.
Ujeedada socdaalka labada madaxweyne ay u tageen magaalada Addis Ababa ayaa ah inay ka qeyb galaan xadhig ka jarista garoon loo dhisay qaab casri ah oo laga hergeliyay magaalada Jima ee gobolka Oromia ee dalka Ethiopia.
Qoraal lagu daabacay Barta Twitter-ka ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia ayaa lagu sheegay in labada masuul ay ka qeyb gali doonaan munaasabadaasi ka dhacaysa magaalada Jima ee dalka Ethiopia.