Madaxweynaha Somaliland Oo Dhagax-Dhigay Dhismeyaal Cusub Oo Lagu Kordhin Doono Xarunta Cusbitaalka Guud Ee Hargeysa+Daawo Sawirada
December 9, 2018 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xarunta guud ee Cusbitaalka Hargeysa ka dhagax-dhigay waadh cusub oo gaar u noqon doona Ummulaha iyo dhallaanka.
Munaasibad kooban oo lagu dhagax-dhigayey dhismayaashan cusub ee uu cusbitaalku yeelan doono oo maanta lagu qabtay xarunta guud ee cisbitaalka Hargeysa oo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka oo uu hormood u yahay wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf iyo shaqaale weynaha ka hawlgala cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxana ay masuuliyiinta cusbitaalka guud faahfaahin kooban ka bixiyeen qaabka uu noqon doono dhismaha cusub ee haweenka iyo dhallaanka loo hirgelinayaa iyo sida uu u saacidi doono baahidii cusbitaalka taallay