berberatoday.com
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Seyniska Somaliland Oo Soo Saaray Wareegto Uu Ku Joojinayo Bixinta Ruqsadaha Dugsiyada Gaarka ah!
December 9, 2018 - Written by admin

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Cismaan Jaamac Aadan ayaa soo saaray wareegto uu ku joojinayo bixinta ruqsadaha dugsiyada gaarka ah, isla markaana uu xakamaynayo furitaanka laamo cusub oo ay yeeshaan dugsiyada gaarka ah ee hore u haystay ruqsadda.

wasiirka waxbarashada jsl

Wareegtada Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Ayaa Udhignayd Sidan:

“Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku waxa ay qaranka masuul uga tahay hirgalinta adeeg Waxbarasho oo tayo leh si waafaqsan siyaasadaha Waxbarashada Qaranka, Xeerka Waxbarashada Qaranka (Xeer Lr. 77/2018), Xeer-nidaamiyaha Waxbarashada Gaarka ah ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, iyada oo Wasaaraddu ka duulayso duruufaha Waxbarasho ee dalka gaar ahaan tayada waxbarashada iyo Hubinta Halbeegyada Goobaha waxbarashada ee dalka, waxa laga bilaabo taariikhda ay warqaddani soo baxday (2/12/2018) Aan go’aamiyay, ilaa amar danbe, in la joojiyo in ruqsad cusub la siiyo dugsiyada gaarka ah(Private Schools).

Waxa kale oo la joojiyay in dugsiyada gaarka ah ee Ruqsadda haystaa ay furtaan laamo cusub (New branches).

Waxa la farayaa dhammaan Guddoomiyayaasha Waxbarashadu in ay fuliyaan amarkan, cid kasta oo ku xadgudubtana ay Agaasimaha Guud u soo gudbiyaan, si tallaabo sharciga waafaqsan looga qaado.

Masuuliyiinta Laamaha kale ee Dawladda waxa aannu ka Rajaynaynaa in ay nala hirgaliyaan go’aankan, si loo hubiyo Tayada Waxbarashada Ubadkeenna.”

  HALKAN KA AKHRI WAREEGTADA WASIIRKA;

Wareegto wasiir 1

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews