Xildhibaan Bashiir Tukaale Oo Ku Baaqay Arin Uu Sheegay In Xukuumada Looga Baahan Yahay
December 9, 2018 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo ka mid ah Xidlhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka,is bedelada ka socda Wadamada Geeska Afrika iyo dib u dhaca Doorashada.
Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya dib u dhaca ku yimid Doorashada yidhi ‘Wax walba waa la isku qaban karaa, waana la isku khilaafi karaa, laakiin wax walba oo la isku qabto waddo loo maro oo khilaafka lagu xaliyo ayaa jira, imika waa in khilaafka jira ee dhinaca Doorashada si midaysan loo xaliya, oo laga heshiiya, walibana waa in laga sii heshiiyaa wax walba oo khilaafkan oo kale abuuri kara mustaqbalk, waana in la sii xaliyaa qodob kasta oo aqbad ku ah qabsoomida Doorashada, inta aan la gaadhinba”.