Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka UK Oo Dawladiisa Ugu Baaqay Inay Horseed Ka Noqoto Aqoonsiga Qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland
December 9, 2018 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xildhibaan Mathew Offord oo ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska, ayaa dawladda dalkiisa ugu baaqay inay horseed ka noqoto aqoonsiga qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.
Xildhibaan Mathew, wuxuu dawladda dalkiisa u soo jeediyay inay Qaramada Midoobay u gudbiso dalab ay ku weydiisanayso aqoonsiga Somaliland,