Al Shabaab Oo Shaaciyay Magacyada Iyo Qabiilada Raggii Ka Dambeeyay Weerarkii Gaalkacyo
December 10, 2018 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay muddo isbuucyo ah kadib baahiyay magacyada labo kamid ah dadkii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay wadaadka C/Welli Cilmi Yare.
Qoraal lagu baahiyay baraha lagu faafiyo wararka Al Shabaab ayaa la sheegay in weerarkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo uu ku jiray dadkii ka dambeeyay nin lagu magacaabo Cumar Cabdullahi Ciise oo 40 jir ahaa, kana soo jeeday Beesha Daarood.
Ruuxa labaad ayaa Al Shabaab waxay magaciisa ku sheegay in la dhihi jiray Maxamed Sh.Nuur Maxamed oo ka soo jeeday Beesha Raxanweyn, waxaana uu kamid ahaa dadkii ugu horeeyay ee xarunta galay.