“Ingiriiska Iyo Biljim Oo Aanu Socdaal Shaqo Ugu Baxnay, Waxaanu Isla Meel Dhignay Xidhiidh Ay Yeeshaan Somaliland Iyo Midowga Yurub..”Cabdiraxmaan Saylici
December 11, 2018 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaal shaqo oo uu ugu maqnaa wadamada Ingiriiska iyo Belgium waxaana gegida diyaaradaha kusoo dhaweeyay, Maayar ku xigeenka Caasimada, Wasiiro, Agaasimaha Madaxtooyada masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, madaxda-dhaqanka iyo siyaasiyiin.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa wadamada uu maray kula kulmay masuuliyiinta baarlamanka ee UK iyo Belguim, waxaanu kala hadlay cilaaqaadka ay wadamadaasi la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland.