Khilaafka Siyaasadeed Ka Dhashay Mooshinka Ka Dhanka Madaxweyne Farmaajo Oo Sii Xoogeysanaya
December 11, 2018 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Iyadoo wali ay taagan tahay xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa soo ifbaxaya eedeymo culus oo qaar ka mid ah xildhibaannadu u jeedinayaan madaxtooyada Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka kana mid ahaa tiro xildhibaanno ah oo xalay gurigiisa ugu tagay guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in go’doomintii ugu dareyd la saaray sida uu hadalka u dhigay guddoomiyaha iyo ciidamada ilaalada ka haya ee ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.