Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Oo Ka Guuray Villa Somalia Iyo Xaaladii Mooshinka Oo Cirka Isku Sii Shareertay
December 12, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa ka guuray xafiiskiisa xarunta Villa Uganda oo ku dhexyaala Villa Soomaaliya, halkaasi oo maalmahaan uu ku sugnaa.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya inuu u guuray mid kamid ah Hoteelada ku dhow garoonka diyaaradaha, gaar ahaan Hotel ku dhow Xarunta hay’adda Horumarinta Qaramada Midoobay ee UNDP.