Laba Ruux Oo Somaliya Oo Ku Geeriyooday Xadka Udhexeeyay Turkiga Iyo Giriiga Iyo Sababta
December 12, 2018 - Written by Berbera Today
Athens(Berberatoday.com)-Labo Ruux oo Soomaali ah ayaa Ku Geeriyootay Xadka udhexeeya dalalka Turkiga iyo Giriiga xili ay doonayeen inay sife sharci daro ah ku galaan dalka Giriiga.
Labada ruux ee Geeriyooday Oo Lagu Sheegay inay ahaayeen Laba Nin ama Rag ayaa la sheegay in geeridooda uu sababay qabow iyo baraf daran oo ka dhacaayay soohdinta udhaxeysa Labadan Wadan ee turkiga Iyo Giriiga iyada oo xiligan lagu jiro xiliyada qabawga darani ka dhaco wadamada Yurub intooda badan si sahlana aan looga gudbi karinn soohdimaha udhxeeya wadamadaas iyada oo aan laga gaashaaman.