Madaxweyne Farmaajo Oo War Ka Soo Saarey Mooshinkii Laga Keenay Kadib
December 12, 2018 - Written by Berbera Today
Moqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdaullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter kusoo dhoweeyay tallaabo muhiim u ah Soomaaliya oo ay qaaday hay’adda lacagta adduunka ee IMF.
IMF ayaa maanta shaaca ka qaaday inay soo geba gebeysay wajigi kowaad ee barnamaij dib u eegis loogu sameynay hanaanka maaliyadda Soomaaliya, kaasi oo guul ku dhammaaday.
Madaxweynaha ayaa yidhi “Dowladeena waxaa ka go’an inay Soomaaliya horey usii dhaqaajiso, waxaan soo dhoweynayaa qoraalka kasoo baxay IMF ee wanaagsan, kuna saabsan habka maaliyadda dalkeena.