Masuul Katirsan Xibsiga Kulmiye Oo Dhawaac U Geystay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Wajigana Kaga Dhuftay Mobil Iphone Ah
December 13, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa habeenkii xalay ahaa dhawaac Fudud oo isha dusheeda ah u geystay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Md Axmed Cabdi Dheere .
Masuulyiin uu ka mid yahay Wasiirka Arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed , Wasiirka Macdanta Somaliland iyo Xildhibaan Obama ayaa habeenkii xalay aheyd Faysal Cali Waraabe ugu yeedhay in uu yimaado Hotel Maansoor si ay meesha uga saaraan khilaaf kooban oo dhawaan soo kala dhex galay isaga iyo Gudoomiye Axmed Cabdi Dheere .