Gudoomiye Saleeban-ka Guurtida Oo Eedeymo Dusha U Saarey Madaxweyne Biixi, Faysal Iyo Cabdiraxmaan-Cirro
December 14, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan,ayaa sheegay in ay muddo kordhin u samaynayaan golayaasha dalka haddii marka uu madaxweynuhu qoraal ahaan si rasmi ah ugu gudbiyo.
Waxa uu guddoomiye Saleebaan eedda dib u dhaca doorashooyinka dalka dusha u saaray madaxweyne Biix iyo guddoomiyayaasha mucaaradka Faysal iyo Cirro Guddoomiye Saleebaan ayaa sidan ka sheegay barnaamijka waraysi uu la yeeshay Telefishanka Universal. Ugu horayn isagoo ka hadlaya dib u dhaca doorashada ku yimid wuxuu yidhi