berberatoday.com
Xukuumadda Oo Albaabada U Laabtay Warshad Ku Taala Hargeysa, Shacabkana Uga Digtay Isticmaalka Sharaabkii Iyo Agabkii Kale Ee Ay Warshadaasi Soo Saaraysay!!
December 14, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa albaabada u laabtay Warshad sharaabka soo saarta oo kutaala Magaalada Hargeysa kadib markii ay Hay’addu baadhitaan ay ku samayso agabka ay soo saartay ka heshay Wasakh halisku ah Caafimaadka Bini Aadanka, waxa ay soo bandhigtay Muuqaalka Sharaab iyo agab kale oo si baahsan ugu filiqsan Suuqyada Somaliland waxaanay shacabka uga digtay isticmaalka Agabka Warshadaasi oo lagu magacaabo U-FRESH ENTERPRISE.

Shir jaraa’id oo ay Xarunta Hay’addaasi ku qabteen Shalay Madaxda Sare ee Hay’addaasi oo ay ku soo bandhigeen arintaasi ayaa waxa Warbaahinta u faah faahiyay Gudoomiyaha Hay’adda Tayada Muuse Xasan Xaaji Yuusuf Waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Hay’adda Dhawrista Tayadu iyadoo Waajib ka saaran yahay illaalinta tayada agabka iyo anfaca sida uu dhigayo Xeer Lr.68/20014, ee Xeerka Hay’adda Dhawrista Tayada, waxay baadhitaan ku samaysay Warshadda U-Fresh  oo ku taala Magaalada Hargeysa, kadib markii Cabashooyin badani ay ka yimaadeen, si loo hubiyo, loona xaqiijiyo tayada iyo fayoobaanta agabka ay soo saarto Warshadaasi”.

“Gudida Dhawrista Tayadu markay arkeen  Qod: 7, Faraqdiisa 9,10,11 ee Xeer Lr.68, marka arkeen, Kuna Qanceen shaybaadh caalami ah oo dalka dibadiisa kuyaala markii ay alaabta ay baadheen ee Caafimaad ee uu keeni karo agabka hoos ku xusani, ee ay soo saartay Warshada U-Fresh Interprise ee ku taala magaalada Hargeysa, markii ay wadatashi balaadhan sameeyeen waxay go’aansadeen in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 09/12/2018, in la joojiyo in la isticmaalo, la iibiyo, la dhoofiyo, la qaybiyo, badeecadaha hoos ku xusan, ee ay hore u soo saartay warshadu ka hor intaan baadhis lagu samaynin, alaabtan inta dib u sixid lagu samaynayo wixii khaldamay ee Alaabta ina horyaala ka khaldamay inta aanu anaga iyo Warshadu isla waafaqayno oo isla saxayno, in Alaabtaasi sidaasi looga saaro suuqa ayaanu go’aansanay”.

Waxa kale oo uu yidhi“Dhamaan Badeecadaha hoos ku xusan waa in dib looga saaro oo looga ururiyo Suuqa, lana joojiyo badeecadaha Gudaha, sida halkan ku cad, alaabtii aanu soo baadhnay cadadkeedu waxa uu ahaa 28-Shay, alaabta halkan taala ayaanu soo xaqiijinay inay wasakhaysan tahay “Contamination” oo ay wax yeeli karto Caafimaadka Bulshada, waxaanu go’aansanay alaabtan hore u soo baxday in laga joojiyo Suuqa, Warshadiina hakad lagaliyo illaa inta aanu u gaynayno qaabkii ay ku sixi lahaayeen wixii uu laabku soo saaray iyo war bixintii baadhayaashu ay ku soo arkeen. Intaasi waanu  u gudbinay iyaguna way aqbaleen, Bulshada waxaanu ka codsanaynaa inay arintaasi ka feejignaadaan, waxa kale oo aanu cod dheer ugu diraynaa Ganacsatada kale ee dalka in mar walba loo tudho Bulshadeena, oo wixii dalka gudihiisa lagu soo saarayo mar walba laga eego ama la baadho. Hay’adda tayadu iyadoo adeegsanaysa Xidhiidhka aanu la leenahay laabbab caalami ah inta aanu mid aanu leenahay keenayno in laga xaqiijiyo alaabtaasi inaanay Suuqa galin ayaa naga diyaar ah”. Ayuu ku soo koobay Guddoomiye Muuse.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews