“Sheekh Mukhataar Roobow Waa Muwaadin Somaliyeed Oo Xaq U Leh In La Doorto , Deg Deg Loo Sii Daayo ..” Gudomiye Mursal Oo Iminka Hadley .
December 15, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa goor dhaweyd Warbaahinta kula Hadley magaalada Moqdisho ayaa waxaa uu ka Hadley xaalada ka taagan magaalada Baydhabo
Ugu Horeyn Gudoomiye Mursal ayaa waxaa uu tacsi u diray dadkii ku dhintey rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo dhawr kii maalmood ee ugu danbeeyey .
Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa waxaa uu shaaciyey In Sheekh Mukhtaar Roobow uu yahay Muwaadin Soomaliyeed oo xaq u leh in la doorto isla markaana uu buuxiyey dhamaan shuruudihii Musharax-nimo.