Guddoomiyaha UCID Oo Sheegay In Hab-dhaqanka FARMAAJO Uu Khatar Ku Yahay Soomaali Oo Dhan
December 16, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa cambaareeyey xadhigga siyaasiga Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur ee Dalka Soomaaliya, ,isla-markaana cambaareeyey hab-dhaqanka Madaxweyne Farmaajo iyo Ciidanka AMISOM .
Sidoo kale, waxa uu Faysal tacsi u direy dadkii ku geeriyooday rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay ee Soomaaliya, waxaanu arrintaasi ku eedeeyey Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo uu sheegay inuu u xuubsiimanayo kalitalisnimo iyo inuu ciidanka Amisom u adeegsanayo dadka ay siyaasadda isku hayaan.