Mukhtaar Roobow Oo Laga Saaray Liiska Musharixiinta Madaxweynaha Konfur Galbeed
December 16, 2018 - Written by Berbera Today
Baydhaba(Berberatoday.com)-Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in Guddiga Doorashada Maamulkaasi uu goor dhoweyd ku dhawaaqay in musharaxa Mukhtaar Roobow Cali laga reebay liiska Musharixiinta.
Guddiga oo ka hadlayey maalinta koowaad ee khudbad jeedinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka K/Galbeed ayay shaaciyeen in Mukhtaar Roobow laga saaray liiska musharixiinta, kadib markii dowladda Soomaaliya ay xidhtay.