Shir Lagaga Lahadlay Sidii Soomalidu Uga Faa’idaysan Lahayd Isbadalka Geeska Africa Oo Jabuuti Lagu Qabtey Iyo Masuul Xisbiga Waddani Katirsan Oo Ka Qeyb Galay
December 16, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dalka Jabuuti waxaa maalintii shalay aheyd ka furmay shir caalami ah oo ay ka soo qeyb galeen aqoon yahanka bulshada Soomalida oo dhan waxaana shirkan soo qaban qaabisay Macadka HERITAGE .
Shirkan ayaa waxaa uu yahay mid lagaga hadlaayo isbedelada Geeska Ka socda sidii ay bulshada Soomaaliyeed ay uga Faa;ideysan laheyn , waxaana shirkan door weyn ku leh kana qeyb galay masuul sar sare oo ka tirsan xisbiga Waddani kana mid yahay Aqoon yahay Maxamed Biixi Yoonis iyo xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Md Khadar .