Daawo Muuqalka”Wasaaradda Beeraha Oo Bilowday Tumista Iyo Jawaanno Ku Cabbaynta Hadhuudhkii Ka Soo Go’ay Banka Wajaale
December 16, 2018 - Written by Berbera Today
Wajaale(Berberatoday.com)-Wasaaradda Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland oo Bilihii u dambeeyay u dambeeyay ku hawlanayd Madax ka jarista iyo Goynta Hadhuudhkii laga beeray Banka Wajaale ee Gobolka Gabiley, ayaa Maanta bilowday Tumista Hadhuudhkaasi iyo Cabbayntiisa ama Jawaanno ku Guristiisa.
Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo illaa Bishii October ee sannadkan 2018-ka bilowday Madax ka jarista Hadhuudhka iyo Goynta Caleentiisa, ayaa Maanta gelinkii hore si rasmi ah u bilowday Tumistiisa, si loo kala saaro Midhaha Hadhuudhka iyo Xamakuda.