Daawo Muuqalka”Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Oo War Ka Soo Saarey Kulan Ay Xalay La Qaateen Madaxweyne Muuse Biixi
December 17, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu war ka soo saarey kulan habeenkii xalay aheyd ay madaxda xisbiyada mucaaridku ay la yeesheen madaxweyne Muuse Biixi .
Musharax ku xigeenkii xisbiga Waddani AMB Maxamed Cali Cabdi waxaa uu sheegay in la isku afgartey kulankii xalay in dib loo bilaabo guddidii xisbiyada iyo xukuumada ee wada hadalkoodii hakad-ka uu ku yimid isla markaana arimaha la wada hadali doono ay ka mid tahay arinta kominshanka doorashoyinka oo xisbigoodu hore u sheegay in la kala diro