Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Filayo Inuu Todobaadkan Safar Dalka Kaga Dhoofi Doona , Wadanka Uu Tagi Doono Iyo Ujeedkiisa
December 17, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu toddobaadkan safar gaar ah oo siyaasadeed oo aan la sii shaacin ku tago caasimadda waddanka Jabuuti ee Jabuuti isaga oo halkaasi kula kulmi doona Madaxweynaha waddankaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Ilo-wareedyo u dhuun daloola qasriga Madaxtooyada Somaliland oo Wargeyska Foore xogta safarkan siiyay ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi safarkiisii labaad ee uu dalkaasi ku tago ugu xadhka xidhan yahay caasimadda Jabuuti tan iyo markii sannad ka hor loo dhaariyey xilka Madaxweyne isaga oo wakhtigaasi safarkiisii ugu horreeyey ee uu dal dibadeed ugu baxo uu ku tagay Jabuuti.