Siyaasiyiin Culus Oo La Saadaalinayo Inay Safka Hore Kaga Jiraan Isku Shaadhaynta Uu Soo Wado Madaxweyne Biixi Iyo Mucaaridka Oo ka Soo Dhex Muuqan Doona
December 17, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-iyadoo ay hadda u dhamaatay Muddo sannad ahi Jiritaanka Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn loogu dhegtaagayaa xogo mudooyinkii u dambeeya la hadal hayay oo sheegaya inuu Madaxweynuhu wax ka badel gun iyo baar ah ku samaynayo Xukuumaddiisa, islamarkaana uu ka jawaabayo Saluugga Siyaasadeed ee laga qabo Xubnihii uu hore ugu xushay Xukuumaddiisa.
Illo-Wareedyo lagu kalsoon yahay oo Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa iftiimiyay in Madaxweyne Biixi Maalmahan ku mashquulsan yahay xulashada Rag ruug-cadaaya oo aanay wax saluug ahi kaga so noqon dhinaca Bulshada iyo Shaqada, waxaana sidda la sheegay safka hore kaga jira siyaasiyiin Muddo afartan sanno ka badan ku soo dhex jiray Siyaasada Soomaalida, iyo Somaliland-ba, kuwaasi sida xogtan aanu ku helnay loo dhiibayo ama loo magacaabayo Wasaaraddaha ugu Miisaanka culus ee sida wayn Bulshadu u saluugsantay hadda hanaanka Shaqadooda.