Siyaasiyiin Culus Oo La Saadaalinayo Inay Safka Hore Kaga Jiraan Isku Shaadhaynta Uu Soo Wado Madaxweyne Biixi Iyo Mucaaridka Oo ka Soo Dhex Muuqan Doona
December 17, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-iyadoo ay hadda u dhamaatay Muddo sannad ahi Jiritaanka Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn loogu dhegtaagayaa xogo mudooyinkii u dambeeya la hadal hayay oo sheegaya inuu Madaxweynuhu wax ka badel gun iyo baar ah ku samaynayo Xukuumaddiisa, islamarkaana uu ka jawaabayo Saluugga Siyaasadeed ee laga qabo Xubnihii uu hore ugu xushay Xukuumaddiisa.