berberatoday.com
Heshiiskii Xabad Joojinta Yemen Oo Burburay Iyo Sababta
December 18, 2018 - Written by Berbera Today

Yemen(Berberatoday.com)-Heshiiska xabad joojinta ah ay kala saxiixdeen dhinacyada ku dagaallamaya dalka Yemen ayaa burburay daqiiqado un ka hor inta aanan la gaarin wakhtigii kama dambaysta aheyd ee laga filayay inay dhaqangeliyaan, sida ay sheegeen saraakiil taabacsan dowladda.

 

Dhinacyada ku dagaallamaya Yemen ayaa ku heshiiyay inay joojinayaan dagaallada ka socda magaalada dekedda leh ee Xuddeydah.

Xilliga kama dambeysta ah ee la dhaqan gelinayay heshiiska ayaa ku ekaa saqda dhexe ee wakhtiga dalkaasi.

Balse waxaa lagu soo warramaya in magaalada Xuddeydah ay dib uga qarxeen dagaallo u dhexeeya fallaagada Xuuthiyiinta iyo ciidammo taabacsan dowladda.

Waxaa sidoo kale la sheegay in dagallamayaasha Xuuthiyiinta ay gantaallo ku rideen bariga dekedda Xuddeydah.

Mid kamid ah dagallamayaasha dowladda ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP inay weli dagaallada taagaan yihiin.

Dhincayada Yemen waxay dalka Sweden ku kala saxiixdeen heshiis ay Qaramada Midoobey dhexdhexaadineysay oo laisku afgartay in xabadda la joojiyo.

Waxaana loo arkayay heshiiskan inuu soo celin doono rajadii nabadda ku dhawaad muddo afar sanno ay dagaallo sokeeye ka taagnaayeen waddanka Yemen.

Xuddeydah ayaa 140 Kilomitar u jirtaa galbeedka magaalada caasimadda ah ee Yemen, waana magaalada afaraad ee ugu weyn dalkaasi.

Waxay ahaan jirtay isha dhaqaale dalkaasi ka hor inta aysan qabsanin fallaagada dabayaaqadii sannadkii 2014-kii.

Tan iyo bishii June waxaa Xuddeydaha duqeymo ka waday diyaaradaha dagaalka uu Sucuudiga horkacayo.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews