berberatoday.com
Madaxweyne Gaas Oo Maanta Ku Dhawaaqi Doona Go,aan Shacabka Puntland Ka War Sugaayeen .
December 18, 2018 - Written by Berbera Today

Garoowe(Berberatoday.com)-Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu magaalada Garoowe uga dhawaaqo in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne ee Puntland doorashada dhacaysa 8-Janaayo sanadka cusub 2019.

 

Qaban qaabada shaacinta musharaxnimo ee Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalmihii lasoo dhaafay si weyn looga dareemayay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Sawiro lasoo galiyay baraha ay bulshada ku kulanto ayaa muujinayay warqada casuumaada munaasabada uu Dr Gaas madaxweynaha Puntland ku doonayo in uu ku shaaciyo musharaxnimadiisa doorashada Puntland iyadoona dad badan ay si weyn uga falceliyeen warqadaasi.

Sida uu qorsheynayo madaxweyne Gaas maanta ayuu doorbidayaa in shacab weynaha Puntland uu u sheego in uu yahay musharax madaxweyne oo tartamaya doorashada dhacaysa horaanta bisha Janaayo ee sanadka cusub ee 2019.

Lama oga waxa iska badali kara xaflada uu madaxweyne Gaas ku doonayo in uu ku shaaciyo musharaxnimadiisa hase yeeshee maalmihii lasoo dhaafay ayaa si weyn loo dareemay ololaha doorasho ee Dr Cabdiweli Gaas.

Horey ayuu madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas u sheegay in uusan u tartamayn doorashada madaxtinimo ee Puntland sanadka 2019 hase ahaatee waxaa si tartiib tartiib marba marba ka dambeysa usoo ifbaxayay damaca uu madaxweyne Gaas ku doonayo in mar labaad uu u tartamo doorashada Puntland ee la filayo in ay dhacdo siddeeda January sanadka 2019

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews