berberatoday.com
Somaliland: Guddoomiyaha Shaqo Qaran Oo Shaaciyey Xilliga Imtixaanka Shaqo Iyo Goobaha Lagu Galayo
December 18, 2018 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Barnaamijka Shaqada Qaranka Md. Maxamed Xuseen Cismaan oo uu Wehelinayey Gudoomiye kuxigeenka Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Md. Xasan Muxumed Qalinle ayaa si rasmi ah u shaaciyey maalinta ay qaadi doonaan imtixaanka lagu kala saarayo ardaydii soo xeraysatay barnaamijka shaqo qaran, kaasi oo sida uu sheegay ay soo codsadeen tiro dhan 3146 arday dalka oo dhan.

Gudoomiyaha oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa sheegay in imtixaanku bilaabmi doono 22-12-2018-ka.  Taariikhdaas oo ku beegan maalinta sabtida dodobaadka innagu soo aadan. Dhanka kale Gudoomiye Maxamed Xuseen Waxa uu sheegay in tiradaa codsadayaasha ah ay ay ka qaadan doonaan 500 boqol ee ugu saraysa tirada gabdhaha soo codsaday barnaamijka iyo dhanka inamada oo noqonaysa 1000 ugu sareeya soo codsadayaasha. Isku geynta labadaa tiro ayaa noqonaysa 1500.

Sidoo kale waxa isaguna munaasibadaasi ka hadlay Gudoomiye kuxigeenka Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Md. Xasan Muxumed Qalinle, waxaanu sheegay in imtixaankaasi ka kooban yahay maadooyinka kala ah ah seddexda Saynis ( Biology, Physics & Chemistry), Xisaab, Juquraafi, taariikh iyo Luuqada Ingiriisiga. Waxa kale oo Gudoomiye Xasan sheegay in imtixaankaasi ku qabsoomi doono magaalo madaxyada lixda gobol ee kala ah; Hargaysa, Boorame, Berbera, Burco, Laascaanood iyo Ceerigaabo.
Goobaha lagu geli doono imtixaankaas:-

1. Hargaysa:- Dugsiga H/DH ee Sheekh Maddar (Hargaysa), Dugsiga Sare ee Gacan-libaax (Hargaysa), Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali iyo, Dugsiga Sare ee 26 Juune (Hargaysa)
2. Boorame: dugsiga Sare Sheekh Cai Jawhar
3. Berbera; dugsiga sare ee Bursade
4. Burco: dugsiga Sare Sheekh Ibraahim
5. Laascaanood: dugsiga Sare ee Muuse Yuusuf
6. Ceerigaabo:- dugsiga sare ee Xaaji Aadan
Ardaydii gabiley ku xeraysay waxa iyga imtixaanka lagaga qaadi doonaa goobaha magaalada hargaysa.

Fiiro Gaar ah!!!!!!! Ka qaybgalayaasha tartanka imtixaankan waxa lagu adkaynayaa in ay wakhtiga ilaaliyaan, imtixaankuna waxa uu 22-12-2018-ka, 7:30 subaxnimo ka bilaabmi doonaa goobahaas aynu kor ku xusnay. 

Halkan hoose ka Daawo Muuqaalka Warkan oo dhammaystiran:-

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews