XOG”Sababta Dawlada Soomaaliya Ay Dalkeeda Uga Mamnuucday Hay’ada Cilmi Baadhista Ee SAHAN Research .
December 18, 2018 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dalka ka mamnuucay Hey’add cilmi baadhis oo lagu magacaabo Sahan Research.
Hey’addan ayaa waxaa madax ka ah Matt Bryden oo u dhashay dalka Canada, kaasoo horay isku duwe uga soo noqday Kooxda Monitoring Group.
Qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa lagu sheegay in maanta oo taariikhdu tahay 17 December in hey’adda Sahan Research laga joojiyay, lagana mamnuucay dhammaan wixii shaqo ay ka waday dalka, sababo la xidhidha amniga qaranka, xasilloonida iyo Midnimada dalka.