Haweeneey Yemeniyad Ah Oo Lasiiyay Fiisaha Mareykanka Iyo Sababta Loo Siiyey
December 19, 2018 - Written by Berbera Today
Yemen(Berberatoday.com)-Waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa u ogolaatay dal-ku-galka wadankaan Mareykanka hooyo u dhalatay dalka Yemen oo dooneysa in ay soo booqato wiilkeeda oo labo sano jir ah oo ay dhaqaatiirtu sheegeen inuu qarka u saaranyahay inuu u dhinto xanuunka kansarka maskaxda ku dhaca.
Muwaadiniinta u dhashay dalalka Yemen, Iran, North Korea, Venezuela, Libya, Somalia iyo Syria ayaanan imaan karin dalkaan Mareykanka.
Madaxweyne Trump ayaa amar uu soo saaray ku mamnuucay sababo la xiriira wax uu ku tilmaamay khatar dhinaca argagixisada ah.