Mareykanku Maxuu Kaga Jawaabey Wararka Sheegaya Inuu Musaafurinaayo Wadaadka Fethullah Gulen
December 19, 2018 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa beeniyey in madaxweyne Donald Trump uu ka fakarayo in wadaadka Turkish-ka ee Fethullah Gulen uu u masaafuriyo dalka Turkiga.
“Markii madaxweyne Trump uu madaxweyne Erdogan kula kulmay shirka G-20 ee dalka Argentina ma ballan-qaadin inuu Fethullah Gulen masaafurinayo” Waxaa sidaas yidhi sarkaal sare oo ka tirsan Aqalka Cad.
Wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa taleefishinka CNBC u sheegay in Trump uu ku war-geliyey Erdogan in Mareykanka uu ka shaqeynayo inuu masaafuriyo Gulen iyo dad kale.