Nuxurka Heshiis Ay Wadda Gaadheen Waddamada Itoobiya Iyo Imaaraadka Carabtu
December 19, 2018 - Written by Berbera Today
Addis Ababa (Berberatoday.com)-Dawladaha Itoobiya iyo Imaaraadka carabta ayaa si wada jir ah u saxeexay heshiis ay wada gaadheen.
Heshiiskan ay wada gaadheen Addis Ababa Iyo Dubai ayaa mid laba geesood ah oo ilaalinaya isla markaana hubinaya xuquuqda dadka itoobiyaanka ah ee sida sharciga ah uga shaqaysta wadanka imaaraadka carabta.
Heshiiskan ayey si wada jir ah u saxeexeen wasiirka arimaha dibada ee dalka Itoobiya Dr Workneh Gebeyehu iyo wasiirka khayraadka bulshada ee dalka imaaraadka Nasser Bin Thani Juma Al Hamli.