“Mareykanka Wuxuu Suuriya Uga Baxayaa Ruushka Dartii ” + [ Akhriso War Bixin Xogo Badan Shaacisay
December 20, 2018 - Written by admin
Suria(Berberatoday.com)-Dr Axmed Sheekh Maxamed Tiir oo falanqeeya arrimaha caalamka ayaa BBC-da uga warramay waxa xilligan ku soo beegay in ay Mareykanka ka baxaan Suuriya.
“Sidaad ogtahay, ISIS waxay noqdeen ururkii ugu horreeyay adduunka ee isagoo argagixiso ah la wareegay dhul baaxad weyn leh. Ciraaq iyo Suuriya ayey dhul ballaadhan ka qabsadeen, markaasi ayey xuduudii isku fureen oo ay hal dowlad ka sameysteen.
Marka waxay ahayd arrin adduunka ku cusub oo ay tahay in lala dagaallamo. Ciraaq waa lagu la dagaallamay waana laga saaray, Suuriyana waxaa kooxdan lagu la dagaallamay 4 waji oo kala duwan, haddana awooddoodii way wiiqantay, laakiin wali shacabka ayey ku dhex milmeen. Marka Mareykanku wuxuu aaminsanyahay in uu dagaalki dhammaaday sidaasna ay ciidankooda kula baxayaan”.