Turkiga Oo Hakiyay Howlgalkiisii Miletari Ee Syria Iyo Sababta
December 22, 2018 - Written by admin
Ankara(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii sheegay in waddankiisu uu si ku meel gaadh ah u hakin doono howlaha militari ee ka dhanka ah xoogagga Kurdishka ee uu Maraykanku taageero ee jooga woqooyiga bari ee dalka Syria, isagoo soo xiganaya wadasheekeysi khadka taleefanka ku dhex maray isaga iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump toddobaadkii tegay.
“Wadahadalkii in dhex maray Mr. Trump, iyo sidoo kale xidhiidh aan la yeeshay diblomaasiyiinteena iyo qaybta amniga, iyo hadalka qoraalka ah ee ka soo baxay dhinaca America ayaa noo horseeday in aan waxoogaa kaadsano,” ayuu yidhi Erdogan intii ay socotay munaasabad abaalmarin ah oo ka dhaceysay magaalada Istanbul.