berberatoday.com
Wariye Caan Ah Oo Ku Geeriyooday Qaraxyadii Saaka Ka Dhacay Muqdisho
December 22, 2018 - Written by admin

Muqdisho(Berberatoday.com)-Weriye Cawil Daahir Salaad(Cawil Nabaadiino) oo ka tirsanaa Telefishinka Universal ayaa ku geertiyooday qaraxyo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan shaqaalaha Universal ee Muqdisho oo maydkiisa arkay. Sidoo kale labo ka tirsanaa illaaladiisa iyo darawalkisii ayaa la geeriyooday weriyaha.

 

Labo qarax oo gaadhi loo adeegsaday ayaa saaka kadhacay magaalada Muqidisho. Kan hore ayaa ka dhacay afaafka hore  Tiyaatarka Qaranka.

Ugu yaraan 10 qof oo u badan askarta dowladda ayaa ku dhimatay qaraxii koowaad oo ka dhacay bar koontarool oo ku hortaalla Tiyaatarka Qaranka, waxayna u badnaayeen illaalada guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka gobolka Banaadir Maxamad Tuulax oo marayay meesha uu qaraxu ka dhacay oo isagana la sheegay inuu dhaawac soo gaadhay.

Dhaawacyada ay Ambulance qaadday ayaa la sheegay inay gaadhayaan 14.

Qaraxa labaad ayaa qiyaastii muddo soddon daqiiqo kaddib ka dhacay taallada Daljirka Daahsoon. Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas labaad hase yeeshee meesha uu kadhacay ayaa ah goob mashquul badan kolayna waxa la filayaa inuu khasaare nafeed iyo dhaawacba ka dhici karo

Marxuum Wariye Cawil Dahir Salaad oo ahaa Suxufi caana oo qurbaha kasoo laabtay gaar ahaan wadanka Uk uu dagaa hase yeeshee waayadan danbe waxa uu ka shaqaynaayay magaalada Muqisho oo fadhiisinkiisu ahaa isaga oo daadihin jiray Barnaamijka DOOD WADAAG ee Universal Tv Ka Baxa.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews