“Abiy Ahmed Wuxuu Sare U Qaaday Xidhiidhka Ethiopia Iyo Somaliland…” Siyaasi C/Raxmaan C/Shakuur
December 23, 2018 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ee dalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay aragtida uu ka qabo safiirka cusub ee dowladda Itoobiya usoo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland Shamsudiin Axmad Rooble.
Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Dr Abey Axmed uu kor qaaday meeqaamka ay Somaliland ka taagnayd dalka Itoobiya ka dib markii usoo magacaabay Safiir buuxa.