Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saartey Qarxayadii Shalay Moqdisho Ka Dhacay
December 23, 2018 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah dowladdaha iyo Ururadda Caalamiga ah ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxyadii shalay lagu weeraray Kontoroolka Tiyaatarka Soomaaliya.
Dowladdaha Carabta,kuwa Yurub, iyo dalka Mareykanka ayaa sheegay in Qaraxaasi ay aad uga naxeen,islamarkaana uu kusoo aaday xilli Amniga Caasimadda uu soo hagaagaayay.
Dowladda Mareyanka ayaa sheegtay in ay qaadi doono tilaabo looga jawaabaayo Qaraxyaddii Al-Shabaab ee ka dhacay Muqdisho,islamarkaana ay laba jibaari doonto howlgallada dhanka cirka ah ee ay ka waddo Soomaaliya.