SANAAG: Odayaasha Ceel Af-weyn Oo Dawladda Ku Wareejiyey Gacan Ku-dhiigleyaal Ay Soo qabteen
December 23, 2018 - Written by admin
Ceel Af-weyn(BErberatoday.com)-Odayaasha deegaanka Ceel Af-weyn ayaa gacanta dawladda ku soo wareejiyey Saddex Rag ah oo laba ka mid ahi ku eedaysan yihiin inay deegaanka Dararweyne ku dileen Marxuum Socoto ahaa iyo Nin Xaaskiisa dilay.
Labadan qof ee ku eedeysan Dilka Ninka Socotada ahaa ayaa magacyadoodu lagu kala sheegay Cabdirisaaq Cawil Ducaale iyo Axmed Cabdi Cawad Cabdulle, waxaana lagu wareejiyey dawladda, iyagoo ay goob joog ka ahaayeen odayaashii marxuumkii ay hore u dileen ka soo jeeday.
Odayaal u hadlayey marxuumka la dilay ayaa sheegay labadaasi gacan ku dhiigle lagu soo wareejiyey dawladda, isla-markaana ay uga mahad celinayaan odayaashii ka hawlgalay soo qabashadooda.