Ciidamada Burundi Oo Diiday Inay Ka Baxaan Somaliya
December 24, 2018 - Written by admin
Moqdisho(Berberatoday.com)-Milateriga dalka Burundi ayaa ka soo horjeestay codsi uga yimid midowga Afrika oo ahaa in kun askari oo kamid ah ciidammadooda katirsan AMISOM ay kala soo baxaan Soomaaliya marka la gaadho dhamaadka bisha Febraayo ee sannadka 2019-ka.
Wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku soo warranatay in war qoraal ah oo ka soo baxay afhayeenka milateriga Burundi oo lagu magacaabo Floribert Biyereke lagu sheegay in milateriga dalkaasi ay dowladda Burundi weydiisan doonaan in si siman ciidammada la saarayo loogu qeybiyo dalalka ciidammada ay ka joogaan Soomaaliya, halkii ciidammada Burundi oo keliya laga soo saari lahaa.