Dhul Gariir Laga Cabsi Qabo Inuu Ku Dhufto Qeybo Kamida Dalka Indonesia
December 24, 2018 - Written by admin
Indonesia(Berberatoday.com)-Dadka ku nool deegaannada ku dhaw meesha uu ku qarxay Filkaanaha Anak Karakatau ayaa looga digay iney xeebaha ka fogaadaan maadaamaa Folkaanahaasi ay ka dhalan karto dhulgariir horleh.
Maalinti Sabtida Dhugariir ku dhuftay jasiiradaha Sumatra iyo Java ee dalka Induniisiya waxa ku dhintay ugu yaraan 281 qof iyada oo ay ku dhaawacmeen dad ka badan 1016 qof.
Qaraxa Folkaanaha jasiiradahaasi ka qarxay ayaa loo sababeeyey dhul go’ badda hoosteeda ka dhacay taasina ay keentay iney mowjado waaweyn badda ka soo kacaan.