Xisbiga Kulmiye Golihiisa Dhexe Ka Saaray Sadex Masuul Oo Xisbigaas Katirsan Xilal Wasiiro Iyo Agaasimayaalna Hore Usoo Qabtay
December 24, 2018 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xisbiga KULMIYE ayaa Golihiisa dhexe ka saarey saddex xubnood oo ka tirsanaa xisbigaas.
Saddexda xubnood ayaa waxa ku jira Cabdillaahi Cismaan Geeljire oo horey xilal wasiirro uga soo qabtey Somaliland, sidoo kale waxa kamid ah Cabdi Cali Jaamac agaasimihii hore ee wasaaradda qorsheynta ee dhawaan xilkaa Iskacasilay.
Xubinta kale ayaa lagu sheegay magaciisa Cismaan Axmed Maxamed oo isna xisbigaas la sheegay inuu kamid ahaa.