Hirdankii Xisbiga Kulmiye Oo Bilowdey Iyo Gudoomiye Ku Meel Gaadh Ah Oo Loo Magacaabi Doono
December 25, 2018 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dadka siyaada Somaliland falanqeeya waxaa ay sheegayaan in hirdankii xisbiga Kulmiye iyo hanashada kursiga gudoomiye-nimada xisbigaasi uu bilaabi doono , kaas oo la filaayo in shir weynihiisii dhici doono sanadkan soo socda ee 2019
Xilka gudoomiyaha xisbiga Kulmiye waxaa iminka haya oo ah madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi , balse waxaa kursigaasi uu hungari kaga jiraa siyaasiyiin xisbiga Kulmiye ku dhex jira oo uu ugu horeeyo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi .
Warqad xisbiga Kulmiye shalay ka soo baxday ayaa waxaa xilkii golaha dhexe lagaga qaaday saddex masuul oo ka mid ahaa siyaasiyiin caan ah , waxaana arintaasi lagu micneeyey mid loogu sii hanjabaayo siyaasiyiin xisbigu cabsi ka qabo inay loolan adag ka dhex bilaabi karaan isla markaana arintu tahay baroortu orgiga ka qeyn