Madaxweynaha Suudaan Oo Loogu Baaqay Inuu Iscasilo
December 25, 2018 - Written by admin
Khartuum(Berberatoday.com)-Ururada shaqaalaha iyo dadka u oleelaya bulshada rayidka ee dalka Suudaan ayaa ku baaqay dibadbaxyo loo wada dhan yahay oo lagu codsanayo inuu iscasilo Madaxweynaha Suudaan Cumar Hasan Al Bashiir.
Dadkan waxay codsanayaan inuu xilka ka dego madaxweynha isla markaasna la sameeyo dowlad kumeel gaadh ah.
Waxay qorsheynayaan inay dibadbaxyo ka dhigaan agagaarka xarunta madaxtooyada ee magaalada Khartuum.
Dibadbaxyada ayaa shantii maalmood ee lasoo dhaafay ku fiday magaalooyin dhowr ah ka tirsan dalka Suudaan