Wasiir Ka Tirsan Dawlada Eritrea Oo La Dhaawacay
December 25, 2018 - Written by admin
Asmara(Berberatoday.com)-Wasiirka Macdinta iyo Tamarta Eritrea General Sibhat Efrem ayaa la sheegay inuu dhaawacay shaqsi aan haybtiisa la garan, dhaawac culus oo soo gaaray dartiina dibadda loola cararay.
Dowladda Eritrea inkasta oo ay si rasmi ah uga hadlin dhawaca wasiir Efrem loo geystay haddana Danjiraha Eritrea u fadhiya Japan Danjire Istifaanoos Afawarqii oo cambaareeyey dhaawaca loo geystay wasiirka ayaa boggiisa Twitter-ka ku qoray inuu u rajeeynayo caafimaad degdeg dhaawacana uu degdeg uga bogsado.