Xog Cusub”Maxaa Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke Looga Reebay Doorashada Puntland?
December 25, 2018 - Written by admin
Garoowe(Berberatoday.com)-Waxaa aad loo hadal hayey sanadkan in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke isu soo taagi doono doorashada Madaxweyne ee Puntland.
Cumar oo ah Senator ka mid ah Aqalka Sare, ayaa ku jira siyaasiyiinta sida weyn u dhaliilsan dowladda ay gadh-wadeynka ka yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre.
Waxaa aad loo saadaalinayey in sanadkan uu Garowe loolanka ka socda ka qeybgali doono maadama uu ku fashilmay doorashadii 2017 ee lagu doortay Madaxweyne Farmaajo.