“Cagta Ayaan Marin Doonnaa Kurdish-Ka Syria..”Wasiirka Arimaha Debeda Dawlada Turkiga Mevlut Cavusoglu
December 26, 2018 - Written by admin
Ankara(Berberatoday.com)-Turkey ayaa maanta sheegtay inay ka go’an tahay in ay cagta mariso ciidamada Kurdish-ka dalka Suuriya, sida ay qortay wakaaladda wararka AP.
Wasiirka arrimaha dibedda Turkey, Mevlut Cavusoglu ayaa weriyayaasha u sheegay in “haddii Tukey ay tidhaahdo waan galaynaa, waa ay galaysaa”
Toddobaadyadii tagay, Turkey ayaa ku hanjabeysay inay billaabi doonto howlgal cusub oo ka dhan ah dagaalyahannada Kurdishka, oo ayaga oo xulafaysanaya ciidamada Mareykanka ka adkaaday kooxda Daacish ee waqooyiga iyo bariga Syria.