Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Oo Masuuliyiin Cusub Usoo Magacaabay Gobolka Saaxil Iyo Xaaji cabdi Jaamac Aadan Oo Kamida
December 27, 2018 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng. Faysal Cali waraabe ayaa masuuliyiin cusub oo Gobolka saaxil Iyo Degmada Berbera ka hawl gali doona usoo magacaabay kuwaas uu kamid yahay Xaaji cabdiraxmaan Jaamac Aadan(Cabdi Buur)oo kamid ahaan jiray Kaabaynaradii Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil Labadii doorasho ee ay kuaoo kala baxeen Madaxweyne Axmed Siilanyo Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi;
Xaaji Cabdiraxmaan Jaamac Aadan(cabdi Buur)ayaa loo magacaabay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil isaga oo bedeli doona gudoomiyihii hore ee Xisbigaas Ujoogay Gobolka Saaxil Kahadar Jaamac Aadan(Kahad Jawaqsi)oo xil kale looa magacaabay Xisbigaasi Ucid.