77 Jir Howlgab Ka Noqday Shaqadii Dib Ugu Laabtay Iyo Sababta Kaliftay
December 28, 2018 - Written by admin
Uk(Berberatoday.com)-Nin 77 Jir ah, horay na u noqday howlgab ayaa haatan billaabay in mar kale uu shaqeeyo, isagoo na sheegay in uu shaqeyn doono ilaa iyo inta karaankiisa ah.
Graham Smith, oo ka soo jeedaa magaalada Dunstable ee dalka Ingiriiska ayaa go’aansaday inuu holwgab noqdo da’diisu markay aheyd 65 sano.
Ninkan ayaa waxaa kale oo uu sheegay in uu xamili waayay guri iska jooga, oo uusan waxba ka helin, wuxuuna shaqo ka dalbaday garoonka diyaaradaha ee Luton.
