Ciidamada Suuriya Oo Dib Ula Wareegay Magaalo Mihiim Ah Iyo Kooxda Ka Baxday Magaalada
December 28, 2018 - Written by admin
Suuriya(Berberatoday.com)-Ciidammada dowladda Suuriya waxay sheegeen in markii ugu horreysay ay gaadheen magaalada waqooyiga ku taalla ee Manbij halkaas oo ay ka taageen calanka xukuumadda.
Balse wararka si madaxbanaan looma xaqiijin karo.
Maleeshiyaadka Kurdiyiinta ee YPG ayaa ka baxay magaaladaasi, waxayna ciidammada Suuriya ugu baaqeen inay dib ula wareegaan gacan ku haynta Manbij sii looga ilaaliyo inay qabsadaan Turkiga.
