Ururka Suxufiyiinta Somaliland Oo War Ka Soo Saarey Shir Weyne Ay Xukuumadu Iskugu Yeedhay Warbaahinta
December 28, 2018 - Written by admin
Hargeysa(Berberatoday.com)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu Iftiiminayaa inaanu ka qayb galayn shirka Qaran ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ku dhawaaqday inay u qabanayso Warbaahinta Somaliland 29-30-ka bishan December oo ku beegan Sabtida iyo Axada toddobaadkan soo socda.
Ururka SOLJA, isagoo metelaya Saxaafadda Somaliland waxa uu u arkaa shirkaasi inaanu ka turjumayn ujeeddada ay wasaaraddu ugu magac dartay maadaama sida ka muuqata Jadwalka shirkaasi uu yahay uun mid wasaaraddu ugu yeedhinayso ka soo qayb galayaasha wax ay soo qorshaysay ee aan fursad loo siinaynin Daneeyayaasha Saxaafadda inay aragtidooda ka dhiibtaan shirka.